Qalbidhagah is a stark reminder of why Farmajo and Kheyre must not become Somalia’s president 

By Human RIGHTS Consultant
Friday – May 13, 2022

In their long repetitive speeches to MPs in their bid to win the keys to Villa Somalia, both Mohamed Abdullahi Farmajo and Hassan Ali Kheyre told stories of their nationalism and bogus successes to an unimpressed audience. Farmajo and Kheyre, who were so close for almost three and half years are now fighting over the same legacy of an administration that presided over national division, vilification of the opposition and corruption. 

Continue reading

Xisbiga Xuriyadda oo ugu hambalyeeyay munaasabda 15 Meey, dhaliyarada Soomaaaliyeed

imageXisbiga Xuriyadda oo ugu hambalyeeyay munaasabda 15 Meey, dhaliyarada Soomaaaliyeed
May 15, 2016| Warka Maanta | Posted by: Moment Media Ethics

image




Meey 15, 2022 , , Mogadishu… Xisbiga Xuriyadda ayaa maanta halbalyo diiran u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, asagoo ugu hambalyeeyay munaasabada 15 Meey ee maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan dhalinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, anigoo ugu hambal-yaynaya munaasabada 15 Meey, ee maalinta dhalinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri The President of The People Of Freedom http://Halgankii Xisbiga SYL/ ayaa xusay inay manta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku lahaayeen masiirka dalkooda. Waxaana uu sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin.
“Xaalada colaadeed ee dalka ka jirtay sadex jiil ayay mustabal seejisay, arrintasina waa dhibaato weyn na wada gaartay. Waxay seegeen fursadii wax-barasho, waxay waayeen fursadii shaqo, waxayna ka niyad jabeen bulshadoodii iyo dalkoodii labadaba,” ayuu yiri The President X.Xuriyadda
Waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. Asagoo xiganaya warbixinta Horumarka Aadanaha ee Soomaaliya 2012 ee ay soo saartay hay’ada ee UNDP ayna ku daraasaysay xaalada dhalinta Soomaaliyeed, ayuu cadeeyay inay dawladdu wax ka badalayso xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed.
“Caano daatay dabadoodaa la qabtaa” bay Soomaalidu ku maah-maahday. New Somalia ee aan doonayno dhalintu waxay u tahay laf-dhabar. Waxaan doonaynaa inaan badbaadino, wax-barno, una abuurno fursado shaqo oo anfaca si ay dalka iyo ummadaba u anfacaan,” ayuu yiri Xisbiga Xuriyadda.
The President Ee X.Xuriyadda ayaa sheegay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed. Asagoo dhanka kale kula dar-daarmay inay ku dadaalaan wax-barashada iyo kororsiga xirfadaha shaqo si ay diyaar ugu noqdaan shaqooyinka cusub ee dalka ka abuurmaya. Waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in dhalintu garab istaagto dawladda ayna ka dheeraadaan wax-kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasiloonida dalka.

Continue reading

Faallo: Taariikhda Somaliweyn iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso Somalia Maanta

45A8414E-62ED-4B83-A221-8CC9C1F6720FFaallo: Taariikhda Somaliweyn iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso Somalia Maanta

Arbaco, June 12, 2019 – Moment Media ethics -Ummadaha Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika waxay ka gilgisheen Gumasigii Reer Yurub ee ku habsaday taariikho kala duwanaa iskana rideen heeryadii gumeysiga. Kacdoonadii iyo halgamadii xornimadoonka ahaa ee ka kacay Afrika iyo Caaalamka Carabta kontameeyadii iyo lixdameeyadii (1950s and 1960s) waxay ku salaysnaayeen hilow wadaninimo iyo himilo weyn. Qaar ka mid ah dadyowgii gumaystuhu kala qaybiyay waxay hiyiga ku hayeen inay midoobaan oo la hoos keeno hal calan iyo hal dawlad. Dalalka Carabta waxaa ka jiray aragtida Carabweyn oo hayd in la mideeyo dalalka Carabta taas oo uu hormood ka ahaa dalka Masar oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdi Naasir. In kasta oo madaxdii kala geddisanayd ee Carabtu ay dhabarka u jeedisay Falsafaddii Carabweyn xukun jacayl iyo qabyaalad awgeed, ayaa waxaa haddana madaxweyne Jamaal Cabdinaasir ku guullaystay sannadkii 1958 inuu mideeyo dalalka Masar iyo Suuriya. Midowgaas ma raagin oo waxa uu burburay 1961 markii Suuriya ka baxday si lama filaan ah, sidaasna waxaa ku fashilmay Aragtidii Carabweyn ee bilowga ahayd.

Continue reading

58 sano kadib maalinta 1da Luulyo: Aaway xorriyaddii iyo midnimadii Soomaaliya?

Maanta waa 1da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 58 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda  xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii!

Continue reading

75th Anniversary of SYL – 15 May 1943

 

image75th Anniversary of SYL – 15 May 1943

The People of Freedom
Tuesday, May 15, 2018

This article is being published to commemorate the 75th anniversary of the foundation of the Somali Youth League party, better known as Lega dei Giovani Somali (LGS). In this article I give a brief outline of the emergence of this party, its rise and eventual fall. It is hoped in a second article to examine the activities of other political parties that rivaled the Lega before and after independence. 

The first modern Somali social organization, the Somali Youth Club (SYC), was founded in Mogadiscio on May 15, 1943. Somalia was then under British military occupation. At the beginning, the SYC was primarily actively engaged in promoting social and welfare, education and health programmes, targeting particularly the less privileged segments among its affiliates. However, it would be wrong to believe that the promotion of the social welfare of members of the Club could entirely be divorced from political matters. To help improve the new club, the British allowed the better educated police and civil servants to join, thus relaxing Britain’s traditional policy of separating the civil service from political parties “because the new movement was progressive, co-operated with the government, and was anti-Italian.”(I.M. Lewis, 2002)

Continue reading

Faa’iido intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida iyo dalkooda ?

CB462B06-DF0B-4526-9993-2722ED0E2351

Faa’iido intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida iyo dalkooda ?


HalgankiiXisbigaSYL – Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aan isleeyahay ma jiro wax uga muhiimsan dadka Soomaalida ee maanta nool, Gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda. Mowduucan, Ayaa ku saabsan faa’iidada ay leedahay midnimada. Inta aan ku guda jiro qormadeyda, Waxaan ka jawaabi doonaan su’aasha aan cinwaanka uga dhigay qormada oo ah: Faa’iido intee le’eg ayey midnimadu u leedahay dadka Soomaalida iyo dalkooda ?
Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi muhiimka, Aan marka hore ka waramo dadka Soomaalida iyo waxa ay isu yihiin, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonta waxtarka ay midnimadu u leedahay dadka aan ka waramayo. Dadka Soomaaliyeed, Ayaa ah dad walaalo oo ay mideysay diin, dhalasho, dhaqan, af iyo waliba guur ixtiraam mudan. Waxa ayna isku leeyihiin xuquuqo badan oo ay diintoodu sugtay sida xaqul-diin oo kale.

Continue reading

70 Sano Kadib Dhacdadii Ha Noolaato Iyo Dilkii Xaawo Taako

IMG_1542

70 Sano Kadib Dhacdadii Ha Noolaato Iyo Dilkii Xaawo Taako

Continue reading

Soomaaliya Waa Dad Sabool Ah iyo Dal Barwaaqo Ah ( MAQAAL Greater Somalia)

69A91D10-6F74-45E4-92D4-18EBA37BD25B

B39184FA-C7F9-4728-90BC-24060CA4EDC5Soomaaliya Waa Dad Sabool Ah iyo Dal Barwaaqo Ah ( MAQAAL  Greater Somalia)


 Waddan markii loo baahdo in Dhaqaalihiisa daraasad Lagu Sameeyo waxaa lagama Maarmaan ah in fiiro loo yeesho


1.XOOLAHA Soomaalida waa dad Qoowmiyad ahaan aad u cuna Hilibka.

Hilbaha, kuna xeel dheer suuq geyntooda,xoolahoodana waxay la mid yihiin duur joogta oo cid si gaar ah u dhaqaaleyso ama u xanaaneyso ma jirto, haddana waa waddanka afrika ugu xoolo badan.

2.BEERAHA,Soomaaliya waxaa deris la ah labo waddan oo aad ugu xeel dheer wax tacbashada,dalagga beerahooda waxa uu ku diyaar garooba ugu yaraan lix bilood meesha midka soomaalida uu ka yahay Seddex bilood,arrintaas waxay ku tusineysaa in soomaalida sanad waliba ay beeran karaan affar jeer meesha labada dowlad ee deriska la ahna ay beeran karaan kaliya labo jeer.

Soomaaliya waa waddan Qeyraadkiisa badan yahay,dhul ahanna aad u dahan oo bacrin uma baahna,waa dhul siman buuraha ku yar yihiin,cimilad fiican leh meel kastana si dhib yar wax lagu beeran karo.

Continue reading

Ha dayicin Halyeeyada qarsoon.=Taariikh Muhiim ah

DF14B5BF-4585-4C23-8204-E4FEE451180FHa dayicin Halyeeyada qarsoon.=Taariikh Muhiim ah=
HalgankiiXISBIGGsyl

GREATER SOMALIA – Wadanka guud ahaanba waxaa jira Geesiyaal badan oo aan wax laga qorin,sababta oo ah waqtigaa Afka Somaaligu ma qornayn, aqoonta luqadaha kalena waa yareed. Tixraaca ugu dhaw waa suugaanta iyo sheekooyinkii ay soo gudbiyeen dadkii berigaa noolaa ama dad ajnabi ahi ay qoreen.

Waan jeclaa lahaa dhacdadan iyo kuwa la midka ah qofkii faahfaahin ka hayo inuu qoro. Dhacdadan waxaa lagu soo gudbiyay suugaanta.
Markii Talyaaniga iyo Xabashidu ku dagaaleen deegaanka Soomali Galbeed , ee Amxaarada la jabiyay, ciidamada wax jabiyay waxa ay ahaayeen Somali gumeeysigu uu qasab ku geeyay goobaha dagaalka.

Continue reading

MAQAAL: LIXDAN SANO MAR LAGA JOOGO, IYO MAANTA!!

img_6051MAQAAL: LIXDAN SANO MAR LAGA JOOGO, IYO MAANTA!!


Dad badan oo aan waagaas dhalan, ayaa la yaabi doona, Cinwaanka aan Maqaalkan siiyey,laakin intayadii soo joogney sanooyinkaas, garashana u lahayd xaaladdu sidey ahayd iyo waxaan ku taameyney beryahaas,maanta qosol iyo farxad midna meel uma yaal. Waxaan doonayaa inaan mid mid ka taabto,waxaan filayney waagaas, ama sidaan islahayn, Dalkeennu wuu noqon doonaa, iyadoo halgan lixaad leh laga soo maray dib u xoreynta Dalka.

Lixdan sano,mar laga joogo,waxaan ku taameyney xorriyad noo soo iftiimeysey,waxaan rajo ka qabney inaan noqon doonno dad xor ah oo ku noolaan doona Dalkoodii xoroobey. Waxaan kaloo islahayn, in Xisbigii weynaa ee SYL,oo la dagaallamay qabyaaladda,meelna iska saaray waagaas , inuu u soo hoyin doono Dalkeenna guulo badan oo kale. Waayahaas Dadweynuhu,waxay ku noolaayeen farxad,qof kastaana shaqadiisa ayuu watey oo buuqa, isneceebka, is-xulafeysiga, iyo isqabyaaladeysiga, maanta jiraa, ma jirin. Dadku, dhaqankooda iyo Diintoodaba si hagaagsan ayey u heysteen oo ma jirin tafaraaruqa Diinta iyo dhaqan-guurka maanta caadada inoo noqday.

Dad Dalkooda ka cararaya oon garaneyn meel ay u jeedaani ma jirin. Ma jirin Qaswadayaal, Xaaraan-quutayaal iyo qaar la mid ahaa. Xilliyada roobabka, Allaha Weyni waqtigooda ayuu na siin jirey oo waan barakeysneen, xooluhuna ma waayi jirin waxay cunaan. Caruurta yar yar iyo Hooyooyinkooduna nolol barwaaqo leh, ayey ku noolaayeen. Dadku , waa is aammini jirey oo tuugado Dalka, wey ku yareyd,waxana jirtey dadka dhexdiisa,walaaltinnimo buuxdey oo kalgacal lahayd. Derisku cusbadey kala qaadan jireen, oo kii jirran ama dhibaateysan waa laga warqabey. Continue reading

Taariikhda Calanka Soomaaliyeed

DEFFD78C-535E-4C12-B0F6-FBDEF47EEC3F

Taariikhda Calanka Soomaaliyeed

October 12, 2017 – GREATER SOMALIA – Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo.

Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga.

Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Continue reading